Created Date Monday, 06 April 2015

Isbarbar-Dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo Amniga Degmada Sheekh

altSheekh waxay ka tirsan tahay demooyinka ku jira darajada -C-  wasay ku taalaa gobolka Saaxil oo ka mida  Soomaaliland.  Waxay 70 km waqooyi kaga beegan tahay magaalada Burco. Marka hore, Degmada Sheekh waa dhul sare, waxay ku taalaa dhul joogiisu uu ka sareeyo ilaa 1500 mitir. Degmadud waxay ku fadhidaa 1600 km² iyadoo maamusha 29 tuulo tirada dadkana lagu qiyaasay 40,000 . Heerkulkeedu wuxuu u dhaxeeeyaa  24 ilaa 36°C waqtiyada diiranaha ama kaliisha waxay gaadhaa 5.5 ilaa 20° C waqtiyada qaboobaha ama jiilaalka. Xadiga roobka ee ay dagmadu hesho sannadkii waxay dhan tahay 523 mm.   Waxay jirtay ka-hor Gumaystihii Ingiriiska qarnigii 19aad , waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu qadiimsan Soomaliland. Magaaladan yar waxay astaan u tahay meelaha ay ka soo ukantay waxbarashada asaasiga ah ee Soomaaliland. Dugsigii hoose ee ugu horeeyey, kulleejo ay ardaydu seexdaan ayaa dib loo cusboonaysiiyey , dugsigan degmada Sheekh waxaa la dhisay sannadii 1945 xilligii Maamulka Militari ee Ingiriiska uu wadanku ku hoos jiray.