Created Date Tuesday, 16 February 2016
Modified Date Tuesday, 16 February 2016

Warbixin ku saabsan Qiimaynta Khilaafka iyo Amniga Degmada Burtinle

altSida degmooyinka kale ee Puntland, Burtinle waa mid koraysa, hay’adaha dawladduna waa dhismayaan. Maamulka Burtinle waxa uu bilaabay in uu lafalgaalo dadweynaha, oo weliba mararka qaarkoodna dhiirrigeliyo koboca iyo kaqaybgalka bulshada rayidka ah Dhinaca bixinta adeegga garsoorka, degmadu waxa ay ku sifowday mid aad ula socota jiritaanka maxkamadaha dawliga ah (59%). Taas ka sokow, waxa jira dhawr qaddiyadood oo hortaagan isticmaalka maxkamadahaas, sida shaqaale gaabni, xil-u-magacaw ku salaysan beel halka uu ka ahaan lahaa mid ku qotoma aqoon, iyo kharash badan oo la socda isticmaalka adeeg-bixiyahan. Taasi waxa ay keentay in dadweynuhu si joogto ah ugu xirnaado uguna kalsoonaado adeeg-bixiyeyaasha aan dawliga ahayn sida oday-dhaqameedka oo ay u gaystaan arrimahooda garsoor. Kuwani waxa ay leeyihiin waayo-aragnimo qotodheer oo salka ku haysa dhaqanka soojireenka ah ee bulshada Soomaaliyeed. Garsoorka dhaqamiga ah waxa loo aqoonsan yahay in uu caddaalad ku garsooro, go’aannadiisana waa la fuliyaa ama loo hoggaansamaa. Maxkamadaha dawliga ah waxa looga baahan yahay in ay hanaqaadaan oo tartamaan, waddooyinka ay sidaas ku gaari karaan waa kor-u-qaadidda xirfadaha shaqaalahooda iyo kordhinta tiradoodaba, oo ay la socota yaraynta kharashka ay ka dalbaan dadka dacwadaha u keensanaya.

Created Date Thursday, 11 February 2016
Modified Date Thursday, 11 February 2016

Warbixin ku saabsan Qiimaynta Khilaafka iyo Amniga Degmada Salaxley

altAmniga waxa ka shaqeeya hay’ado dawliya iyo kuwa aan dawli ahayn. Bilayska oo aah amni bixiyaha dawliga ah ka ugu muhiimsan ayaa ku shaqeeya duruufo shaqo oo adag iyadoo aanay haysan gadiid ku filann oo ay kaga jawaaban dhacdooyin amni daro ee ka dhaxda meelaha ka fog magaalada Sallahley. Iyadoy taasi jirto ma ay jirin wax amni darro ah sida danbi ama rabshado lagasoo sheegay 18 ka tuulo ee hoos yimaada degmada Sallahley. Iyadoo doorka amni bixiyayaasha aan dawliga ahayn iyo gudiyada degmada uu muhiim u yahay amni bixinta. Siday doonto ha noqotee, degmadu waxay dugsanaysaa xuduuda Ethiopi, sidaa awgeed, amni darooyinka xuduudaha ka dhacaysaa waxay keeni karaan in ay degmada joogaan amni bixiyayaal dawli ah sida maxkamadaha.

Created Date Tuesday, 01 December 2015

Warbixin ku saabsan Qiimaynta Khilaafka iyo Amniga Degmada Laascaanood 2015

altLaasaanood waa magaalo madaxda gobolka Sool oo oo ay ku muran san yihiin Soomaaliland iyo Puntland. Horaantii dabayaaqadii 19aad, laasaanood waxaa deganaa dhadhaqaaqyadii kacdoonka ciidankii daraawiishaka ee ka soo horjeeday gumaystaha. 15kii Octoober 1969, Laasaanood ayaa soo jiidatay indhaha bulshada markii madaxwynihii hore ee Soomaliyaliya, Cabdirashiid Cali Sharmarke uu toogtay mid ka mid ahaa ilaaladiisii gaarka ahaa mar ay booqanayeen magaalada. 21kii Oktoobar 1969, maalin uun kadib aaskii, Sarreeyo Guuto Mahamed Siyaad Barre ayaa afganbi uu hormood ka ahaa uu kula wareegay wadanka iyadoon wax iska caabi ahi aanay ka hor iman. Dabayaaqadii 1970kii iyo 1980kii, Siyaad Barre uu bilaabay nidaam ah qaybi oo xukun iyo kacdoono ka dhashay inay qabiiladu iska hor yimaadaan. Badhtamihii 1991, gobolku wuxuu ka mid noqday gobol cusub oo ka tirsan Soomaaliland, haseyeeshee Puntland ayaa la wageegtay maamulka sannadihii 2002 ilaa 2007. Nabadgalyo daro ka sii dartay ayaa horseeday inay isbadalo mar labaad ay k dhacaan. Haseyeeshee ayaa haddan mar labaad dib u hanatay maamulka badhtaimihii 2007.  2009, koox hubaysan oo la magac baxday  Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC), ayaa ku dhawaaqday Maamulka Khaatumo ee  Somalia sannadkii 2012.  Maamulka Khaatumo ayaa sheegatay in Laasaanood ay ka mid tahay dhulka ay ka taliyaan maamul ahaan magaalo madaxna ay u tahay sannadkii 2014. Inkastoo oo aanay maamulin Soomaaliland.

Created Date Tuesday, 01 December 2015

Warbixin ku saabsan Qiimaynta Khilaafka iyo Amniga Degmada Ceerigaabo

altCeerigaabo waxay ay dhacdaa waqooyiga gobalka Sanaag, oo ah gobalka ugu baaxada wayn Somaliland. Bulshada ku dhaqan magaaladu waxay ay u badantahay labada jilib ee Habar Yoonis iyo Habar Jeclo oo ka soo jeeda  qabiilka Isaaq, waxakale kale oo weheliya jilibyada warsangeli iyo Dhulbahante oo ka soo jeeda qabiilka Hart-Darood. Isku dhafnanta qabiilada ayaa waxay sababeen in ay magaladu ku caan noqoto unuglaanta muranada ku salaysan qabiilka iyo dilalka aargosiga ah.

Created Date Wednesday, 12 August 2015

Warbixin Ku saabsan Qiimeynta Nabad-Galyada iyo Khilaafka Degmada Gabiiley - 2015

altBooliska ayaa ahaa cidda amniga ka shaqaysa ee ugu wayn, iyagoo ay taageeraan odayaasha iyo dawladda hoose. Inkasta oo degmadu ay waxoogaa nabdoonayd, haddana wali ma ay jirin wax khilaaf wayn ah oo khalkhal keenayay isla markaana sababikara amni-darro baahsan, boolisku caqabado ayay waajahayeen, taasoo ay ugu waynayd in dadka deegaanku aanay garanayn kaalinta boolisku ku jiro iyo adeegyada oo liitay, oo ay ka mid yihiin booliska oo aan haysanin baabuur ay habeenkii hawlgallo ku sameeyaan. Jawaabbixiyeyaashii diraasadda xaafadaha intooda badani waxa ay sheegeen in ay ogyihiin in boolis joogo degmada iyo saldhigga booliska ee kaliya ee degmada ku yaalla uu masaafo macquul ah u jiro.

Created Date Monday, 13 July 2015

Warbixin Ku saabsan Qiimeynta Nabad-Galyada iyo Khilaafka Degmada Burco - 2015

altDegmada Burco kama dhicin 12 bilood ee ka horeeyey markii qiimayntan la sameeyey dhacdooyin waaweeyn kuwaas oo wiiqi kara amniga. Tobbankii qof ee la waraystay hal qof oo kaliya ayaa sheegay inuu la kulmay khilaaf u dhaxeeyey laba reer ama laba kooxood, marka la eego cilmi-baadhistii lagu sameeyey xaafadaha ay ka kooban tahay degmadu in raggu ay waxoogaa ka sareeyeen haweenka oo ay sheegeen inay la kulmaan khilaafyo ka dhaca meelaha ay degan yihiin. Jawaab bixiyaashu waxay sheegeen inay la kulmeen 3 dhacdooyin. Sidoo kale, tiro ka yar Jawaab bixiyaasha sheegay inay u soo joogeen khilaaf ayaa iyaguna sheegay inay u soo joogeen danbiyo ama rabashado ka dhana shaqsiyaad gaara meel aan ahayen meelaha ay degan yihiin. Dadkii la waraystay waxay sheegeen in arrinta ugu weyn ee sababta khilaafka dhex mara laba kooxood ay tahay isku dhaca dhalinyarada

Created Date Tuesday, 02 June 2015
Modified Date Tuesday, 02 June 2015

Warbixin Ku saabsan Qiimeynta Nabad-Galyada iyo Khilaafka Degmada Qardho - 2015

altQiimeynta joogtada ah ee ku saabsan arrimaha sida tooska ah saameynta ugu yeelanaya amniga iyo badbaadada bulshadu waxay lagama maarmaan u yahay  barnaamij xaqiiqda salka ku haya go’aan qaadashada iyo cabiraada saameeynta la xiriidha barnaamijyada wax lagaga qabanayo::si ay inoogu suurtogaliso inaynu si fiican u fahano xalalka ka dhex shaqayn kara ama aan ka shaqayn karin heerka bulshadu ay taagan tahay. Arrintan la xidhiidha qiimeeynta heerka degmadu waxay si fiican inoo fahansiinaysaa arrimaha saameynta ku leh bulshooyinka la bartilmaamaysanayo ee degan dhammaan gobolada Soomaaliya. Iyadoo la adeeggsanayo tilmaamayaal loogu talogalay jiido la doortay oo gaar ah, warbixintan waxay bixinaysaa qiimeyn ku saabsan xaalada khilaafka, maamulka, cadaaladada iyo amniga  Degmada Qardho. Qiimeeyntan waxaa laga sameeyey Degmada Qardho 8deedii ilaa 12kii Maarso, 2015. Waxyaalaha xagga hoose ku qoran waa natiijadii ka soo baxday qiimeynta.

Created Date Wednesday, 20 May 2015

Warbixin Ku saabsan Qiimeynta Nabad-Galyada iyo Khilaafka Degmada Gaalkacyo - 2015

altGaalkacayo, waa mid ka mida magaalooyinka ku yaala koondurta iyo badhtama Soomaaliya, dawlada Federaalka Soomaaliya,  waxay kala badhaaa koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya. Gaalkacayo  waxay waqooyi kaga ta beegan tahay magaalo madaxda Moqdisho qiyaastii 717 km , iyo koonfurta oo iyagan kaga beegan Garooowe iyadoo u jirta 230 km.  waxaa koonfur bari kaga beegan magaalada hobyo oo u jirta  qiyaastii Hobyo (290 ) iyo Qardho oo kaga beegan waqooyi bari  (435 km).
Wixii kandanbeeyey markii taliskii Siyaas Barre dhacay 1991, Gaalkacayo waxaa ka dahcay dhawr dagaal oo sokeeye oo reero iskag  horyimaadeedn si ay awooda xukun ula wareegaan, iyadoo magaaladu ay u kala qaybsan tahay laba qaybood oo kala ah qaybta waqooyi oo hoos timaada maamul goboleedka Puntland iyo qaybta koonfurta oo hoos timaada maamulka Galmudug. Ka sokow heshiishyo nabadeed oo lagu gaadhay (xabad joojin) sannadkii 1993 magaalada waxaa ka qarxay dagaalo rabshado wata oo siyaasad salka ku hayey. Heshiis kale oo la saxiixay sannadkii 2011 oo ay wada galeen maamulada Puntland Iyo Galmudug ayaa nidar ku galay inay ka wada shaqeeyaan amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada. sannadadii 2011 ilaa  12, heerka amniga ayaa kor u kacay markii isku dhacyada reeraaha ay qarxeen iyo iyadoo ay soo shaac baxeen mitidiinta uurka Al-Shabaab iyo budhcad badeedka kuwaas oo ku sii faafay koonturta,  kadibna gacan ka gaystay inuu isa sii taraan dilalka qorshaysan iyo ismiidaaminta iyo sidoo kale dhawr dhacdo oo lagu dilay shaqaalaha gargaarka ka shaqeeya

Created Date Monday, 11 May 2015
Modified Date Monday, 11 May 2015

Warbixin Ku saabsan Qiimeynta Nabad-Galyada iyo Khilaafka Degmada Kismaayo

altKismaayo waa xarun ganacsi oo ka tirsan Dawlad-Goboleedka Jubaland ee Soomaaliya ee madaxa bannaan, taasoo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya (Soomaaliya). Waa magaalada saddexaad ee ugu wayn Soomaaliya waxaanay ku taallaa xuddunta u dhaxaysa xadka Kiiniya iyo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Degmada Kismaayo waxa ay ka faa’iidaysataa xeebta quruxda badan ee dekedda leh taaso kaliya aan ahayn saldhig ay leeyihiin ciidamada badda ee Soomaaliya balse sidoo kale ay mar deganaayeen ciidamada badda ee soofiyadku (Soviet Navy). Hadda waxa ay tahay dekedda ugu wayn ee koonfurta Soomaaliya ku taalla. Kismaayo waxa ay leedahay madaar dhowr kiiloo mitir u jira magaalada.


Created Date Monday, 11 May 2015
Modified Date Monday, 11 May 2015

Warbixin Ku saabsan Qiimeynta Nabad-Galyada iyo Khilaafka Degmada Barbara

altBerberi waa magaalo madaxda gobolka Saaxil Somaliland. Waa magaalo xeebeed, ku taala Gacanka Cadan. Magaaladu waxay leedahay dakad ama marso, taas oo halbawle u ah dakhliga wadanka ka soo gala badeecada la dhoofiyo iyo kuwa la soo dajiyo. Waxyaalaha la dhoofiyo waxaa ka mida adhiga, geela hargaha, subaga, beeyada maydiga iyo fooxa. Sidoo kale Berberi waxay leedahay madaar, kaas oo leh dhabaha ugu dheer Soomaaliland ee diyaaraduhu cago dhigtaan.